Sii-haynta Ilmaha 101:
Noocyada Sii-haynta Ilmaha

Guri Qoys oo Leh Liisan Ilmaha Lagu Hayo
(Licensed Family Child Care Home)

Guri qoys oo leh liisan ilmaha lagu hayo waxa uu jira marka uu sii-hayuhu ka soo baxay dhamaan shuruudda lagu siin lahaa liisan ama oggalaansho si uu ilmo ugu sii-hayo gurigiisa. Sii-hayuhu waxa sii-hayn karaa ilmo gaadhaya ilaa da’da dugsiga. Liisanku waxa uu leeyahay xeer ku saabsan tirada ilmaha la hayn karo iyo da’da ilmaha la sii hayn karo. Waxa kale oo la bixin karaa hawlo ku aadan da’ dugsi oo gaar ah iyo manhaj waxbarasho oo loogu talogalay ilmaha aan da ’da dugsiga gaadhin.

Anfaca

Anfac-darada

Xarumaha Sii-haynta Ilmaha (Child Care Centers)

Xarumaha Sii-haynta waxa liisan siiyay gobolka si ay u sii hayaan kooxo badan oo ah ilmaha iyaga oo ku sii haynaya dhisme ay leeyihiin ama xarun beeleed, goobaha cibaadada ama goobo kale. Xarumuhu waxay sii hayn karaan ilmaha da’da yar ilaa da’da dugsiga. Waxa badanaa ilmaha loo kala qaybiyaa kooxo marka la eego da’dooda. Waxay bixin karaan barnaamijyo waxbarasho oo ah ilmaha da’da dugsiga iyo ilmaha aan da’da dugsiga gaadhin.

Anfaca

Anfac-darada

Qoyska/Saaxiibada/Deriska Aan Liisan Lahayn (Unlicensed Family/Friends/Neighbors) (Sii-haynta guri ah ee sharci ahaan aan liisan loo haysan)

Sii-hayeyaasha guri ku sii haya ilmaha ee sharci ahaan aan liisan lahayn (legally unlicensed home caregivers) waxay sii hayaan ilmahooda, ilmaha ay qaraabada yihiin, iyo ilmaha hal qoys oo aan qaraabo ahayn iyada oo sii-hayuhu uu ilmaha ku hayo gurigiisa. Sii-hayeyaashani badanaa waa saaxiibo, deris ama qaraabo. Ma jiro xad u yaala tirada kooxda ama tirada ilmaha da’da yar ee la hayo.

Anfaca

Anfac-darada

Barnaamijyada ka Horeeya Dugsiga (Preschool Programs)

Barnaamijyada ka horeeya dugsigu waxay badanaa bixiyaan sii-hayn ah laba ilaa saddex saacadood maalintii, oo ah dhawr maalmood todobaadkii. Barnaamijyadan looma isticmaalo kaliya in ilmaha laguu sii hayo balse waxay ilmaha siiyaan fursad ah wakhti badhkii oo ay kula falgalaan ilmaha kale uguna diyaargaroobaan dugsiga. Barnaamijyadu waxay leeyihiin liisan waxana ay badanaa ku yaalaan dhismeyaal ay iska leeyihiin barnaamijyadu, xarumo beeleed ama goobo cibaado. Qoristu badanaa waxay ku kooban tahay ilmaha jira 3 ilaa 5 sannadood.

Anfaca

Anfaca-darada

Sii-haynta Da'da Dugsiga (School-Age Child Care)

Barnaamijyada sii-haynta ilmaha da’da dugsiga ah waxay hayaan ilmaha ku jira dugsiga barbaradka (kindergarten) ilaa fasalka lixaad. Waxa laga yaabaa in aan loo baahnayn liisan, taasoo ku xidhan goobta. Badanaa waxay ka hawlgalaan dugsiyada, xarumaah beesha, YMCA/YMCA ama barnaamijyada beeraha nasashada iyo maaweelada. Sii-haynta waxa caadi ahaan la heli karaa ka hor iyo ka dib wakhtiga dugsiga, maalmaha fasaxa dugsiga iyo inta lagu jiro xagaaga.

Anfaca

Anfac-darada

Noocyada Kale ee Sii-haynta Ilmaha

WAXBARASHADA HORMARISKA AH/ WAXBARASHADA HORMARISKA AH EE HORE (HEAD START/EARLY HEAD START)

Barnaamijka Waxbarashada Hormariska ah/Waxbarashada Hormariska ah ee Hore (Head Start/Early Head) waxa uu horumariyaa korniinka iyo horumarka ilmaha ka yimi qoysaska dhaqalaahoodu hooseeyo. Waxa dhigta caruurta da’doodu tahay 3 ilaa 5 sannadood. Waxbarashada Hormariska ah ee Hore (Early Head Start) waxay siisaa adeegyo ah waxbarasho iyo horumarin qoysaska leh caruur da’doodu tahay ilaa 3 jir. Labada barnaamij ee Waxbarashada Hormariska ah (Head Start) iyo Waxbarashada Hormariska ah ee Hore (Early Head Start) waxa lagu bixin karaa goob xarun ama guri ah.

BARNAAMIJYADA SII-HAYNTA MUDADA GAABAN (DROP-IN) (WAXA LAGA YAABAA IN AAN MEEL KASTA LAGA HELIN)

Barnaamijyada sii-haynta mudada gaaban waxay bixiyaan sii-hayn ilmo oo ah mudo gaaban oo ah dhawr saacadood halkii mar waxana badanaa ay ku yaalaan suuqa dukaanada ah (shopping mall), xarumaha beesha, iwm. Barnaamijyada sii-haynta gaaban badidoodu waxay leeyihiin liisan ama oggalaansho, waxana ay leeyihiin xeerar wax yar ka duwan kuwa xarumaha sii-haynta ilmaha ee caadiga ah. Waxa kale oo laga yaabaa in sii-haynta ilmaha ee mudada gaaban laga helo guryaha ama xarumaha sii-haynta ilmaha qaarkood.

KOOXAHA CIYAARTA IYO KALA-BEDDELASHADA (WAXA LAGA YAABAA IN AAN MEEL KASTA LAGA HELIN)

Kooxaha ciyaaraha (playgroups) iyo kala-beddelashadu (exchanges) waa heshiisyo bilaa kharash ah oo aan qaabeysanayn oo ay isku daba-rideen waalidku. Kooxaha ciyaaruhu waxay ilmaha siiyaan wakhti ay ku ciyaaraan isla markaana waalidku waxay helaan wakhti ay wada qaataan. Marka kala-beddelasho jirto, waalidku way is beddelaan iyada oo hadba waalidku uu waalid kale ilmihiisa sii haynayo. Sababta oo ah noocani waa hab aan sharciyeysanayn, ma jiro xad u yaala tirada kooxda ama tirada ilmaha da’da yar ee ku jira kooxda ciyaarta.

SII-HAYNTA GUDAHA GURIGA (IN-HOME CARE)

“ Sii-haynta gudadha guriga” macnaheedu waxa weeye sii-haye ayaa imanaya gurigaaga. Sii-hayeyaasha guriga ku sii haya ilmaha badidoodu waa saaxiibo, dad ka tirsan qoyska ama “ilmo sii-haysooyin” (nannies). Ilmo-sii-haysooyinku badanaa waxay haystaan tababar xirfadeed iyo waayo-aragnimo. Sababta oo ah waxa aad u tahay shaqo-bixiye, waxa laga yaabaa in aad mas’uul ka tahay bixinta Sugidda Bulshada (Social Security), cashuuraha, kharashyada magdhowga shaqaalaha (workers' compensation), caymis iyo wakhti fasax. Sii-hayeyaasha gudaha gurigu way kula noolaan karaan ama dibadda guriga ayay ka soo shaqo tagi karaan.