Waalidka iyo bixiyeyaasha sii-haynta ilmaha waxay ka shaqeynayaan sidii caruurtu u yeelan lahaayeen caafimaad xilligan hargabka. Tilmaamahan ku saabsan sii-hayn caafimaad leh, ilmo caafimaad leh kala hadal bixiyeyaasha sii-haynta ilmaha ama sii-hayeyaasha kale ee aad rabtid inay ilmaha kuu hayaan.
Dadka waaweyn iyo caruurtu si fiican marrar badan ma u dhaqaan gacmahooda (ka dib isticmaalidda musqusha, beddelidda xafaayadda ama dhaybarka, cunista cuntada iwm.)?
Ilmaha ma lagu dhiirigaliyaa inay daboolaan qufacooda oo ay dhaqaan gacmahooda ka dib marka ay qufacaan?
Alaabta ciyaarta iyo goobaha ciyaarta si joogto ah ma loo jeermi-dilaa ama nadiifiyaa?
Dhamaan caruurta qoran ma soo qaateen talaalada la rabo? Sii-hayaha ma laga talaali doonaa hargabka H1N1?
Ma jiraa qorshe la raacayo haddii ilmo uu jirado? Ilmaha qaba qandho guriga ma lagu soo celin doonaa oo ma la weydiin doonaa inay guriga joogaan 7 maalmood ama ilaa ay ka noqonayaan qandho la’aan ugu yaraan 24 saacadood (hadba ka labadaa dheer)?
War dheeraad ah, 651-290-9704
Minnesota Department of Health