Halkan hoose waxa ku yaala tirooyin ah celceliska kharashka sii-haynta ilmaha todobaadkii gudaha Minnesota markii la joogay Bishii Saddexaad 2006. Waxa laga yaabaa in qiimaha sii-haynta wakhti badhkii ah iyo sii-haynta mudada gaban ay ka sareyso kuwa hoos ku qoran.
Magaalada |
Xarumaha |
Qoys Sii-hayn Ilmo |
Ilmo yar |
$258.00 |
$148.00 |
Socod-barad |
$214.00 |
$137.00 |
Aan gaadhin da’da dugsiga |
$189.00 |
$129.00 |
Da’da dugsiga |
$169.00 |
$116.00 |
Dibadda magaalada |
Xarumaha |
Qoys Sii-hayn Ilmo |
Ilmo yar |
$161.00 |
$122.00 |
Socod-barad |
$142.00 |
$112.00 |
Aan gaadhin da’da dugsiga |
$132.00 |
$109.00 |
Da’da dugsiga |
$124.00 |
$105.00 |
Si aad u heshid war dheeraad ah oo ku saabsan qiimaha sii-haynta ilmaha ee aaggaaga, la xidhiidh hay’adda Child Care Resource and Referral ee degmadaada. Si aad warka la xidhiidhista u heshid halkan guji.
Halkan guji si aad u booqatid rugta internetka ee Child Care Financial Aid (Gargaarka Dhaqaale ee Sii-haynta Ilmaha, Ingiriis) si aad u heshid qiyaas dhakhso ah oo ku saabsan gargaarka iyo qadarada kuu banaan.
Child Care Assistance (CCA)(Gargaarka Dhaqaale ee Sii-haynta Ilmaha) waxa uu qoysaska ka gargaaraa inay iska bixiyaan kharashyada sii-haynta ee dhamaan ilmaha ah da’da 12 iyo kuwa ka yar, iyo ilmaha leh baahi gaar ah ilaa da’da 14 jir. Waa in adeegga sii-haynta ilmaha ee la isticmaalayo hore loo sii oggalaado waana in waalidku uu shaqeeyo 20 saacadood tobaadkii ama ka badan isaga oo ku shaqeynaya mushaharka ugu yar ee lagu shaqeeyo ama ka badan, uu shaqo-raadis ku jiro ama uu tago dugsi. Ma jiro xad saaran inta ay leeg tahay mudada uu qoysku qaadan karo Gargaarka Sii-haynta Ilmaha in alaale inta dakhliga qoysku aanu ka baxsanayn xadadka barnaamijka ee u yaala tirada qoyska isla markaana uu ilmuhu yahay da’da la oggol yahay.
Shuruudda Kharashka Isbadbadalaya ee Aasaasiga ah (Basic Sliding Fee) ayaa qoraysa in qoyska dakhligiisu u dhigmo boqolkiiba 75% dakhliga dhexda ah ee gobolka in ay u banaan tahay in la siiyo Gargaarka Sii-haynta Ilmaha. Degmooyinka intooda badan, dadku liis sugitaan ah ayay ugu jiraan barnaamijkan.
Barnaamijka Minnesota Family Investment Plan (MFIP) waa barnaamijka gargaarka dawladda ee imminka ee u qoys qaadan karo ilaa 60 bilood (5 sannadood). Qoysaska qaata MFIP waxa isla markiiba u banaan Gargaarka Sii-haynta Ilmaha lagumana daro liis sugitaan. Waxa waalidka laga doonayaa inay ku jiraan shaqo raadis ama ay shaqeeyaan 20 saacadood ama wax ka badan todobaadkii.
Transition Year Child Care Assistance (Gargaarka Sii-haynta Ilmaha ee Sannadka Kala-guurka) waa gargaar loogu talogalay qoyska ka baxaya MFIP waxana ay sii qaadan doonaa gargaarka sii-haynta ilmaha mudo ah ilaa sannad. Sannadkaa ka dib, waxa qoysaska u banaan inay galaan Kharashka Isbadbadalaya ee Aasaasiga ah. Haddii u jiro liis sugitaan, qoysaskan ayaa la siiyaa muhimadda.
Cashuur Dhaafista Sii-haynta Ilmaha iyo Ku-tiirsanaha (Child and Dependent Care Tax Credit) waxay waalidka u oggalaata inay helaan cashuur dhaafis federalka iyo gobolka ah oo ku saabsan kharashyada sii-haynta ilmaha. Qadarka aad sheegan kartid waxa uu ku xidhan yahay dakhligaaga iyo inta aad ka bixisid sii-hayna ilmaha gudaha sannad taariikheed. Isticmaal foomka IRS Form 4221 Credit for Child Care and Dependent Care Expenses (federalka), iyo MN Form M-1 (gobolka).
Xisaabaadka ka Horeeya Cashuurta (Pre-tax Accounts) ee loogu talogalay sii-haynta ilmaha iyo ku-tiirsanaha ayaa laga yaabaa in laga heli karo shaqo-bixiyahaaga sannadka oo dhan. Waxa ikhtiyaarkani kaa rabaa in aad qiyaastid kharashyadaada sannadka (ilaa $5,000) ka dibna inta sannadka lagu jiro aad kala baxdid lacag xisaabta la sameeyay iyada oo la isticmaalayo lacagta cashuurta aan laga jarin ee mushaharkaaga. Weydii shaqo-bixiyahaaga haddii tan laga heli karo shaqadaada.
Cashuur Dhaafista Dakhliga la Shaqeystay (Earned Income Tax Credit) iyo Cashuur Dhaafista Qoyska Shaqeeya ee Minnesota (Minnesota Working Family Credit) waa cashuur dhaafis federal iyo gobol oo gargaar ka geysta wax-ku-biirinta dakhliga qoysaska shaqeeya iyaga oo kordhinaya cashuur celiskaaga sannadka dhamaadkiisa ama iyada oo wax laga beddelo lacagta lagaa jaro bil walba. Waxa war dheeraad ah ku siin kara shaqo-bixiyahaaga, ama waxa aad wici karta Wasaaradda Dakhliga ee Minnesota (Minnesota Department of Revenue) oo leh lambarka(651) 296-3781. Si aad war u heshid, wac barnaamijka Child Care Resource and Referral ee degmadaada.
Cashuur Dhaafista Waxbarashada (Education Tax Credit) waa cashuur dhaafis ay leedahay Minnesota oo u oggalaanaysa qoysaska dakhligoodu hooseeyo ilaa kuwa dakhligoodu dhexdhexaad yahay inay kharashyada waxbarashada K-12 qaarkood ka jaraan cashuurtooda. Kharashyada sii-haynta ilmaha qaarkood iyo barnaamijyada kobcinta aqoonta ilmaha da’da dugsiga ama waxbaridda ilmaha ee gaarka ah ayaa laga yaabaa inay tani u banaan tahay. Akhriso fariimaha ama Gobolka Minnesota ka wac (651) 296-3781 si aad war dheeraad ah u heshid.